See more of the story

Editor's note: The following is a Somali-language translation of a counterpoint to the Star Tribune Editorial Board's endorsement of Mohamud Noor in the DFL primary in District 60B. The English-language version is here.

Guddida Tafatireed ee Star Tribune waxay u muuqdaan inay u malaynayaan inaan waxba ka qaban Sharci-dejinta Minnesota ilaa 1970-nadii ("Xulashooyinkayga: Dhibbooga iyo ruugcaddaaga sharci-dejineed," Ogoosto 3). Taageeradeedii dhawayd ee Mohamud Noor sidoo kale waxay muujinaysaa in aagga Cedar-Riverside ay ka muhiimsan tahay xaafadaha kale ee Degmada 60B iyo inaan waxyar qabtay si aan u caawiyo bulshada Soomaalida.

Diiwaanka guulahaygu wuxuu sheegayaa guddidu inay khaldan tahay dhinac kasta. Waxaan u firfircoonaa oon waxtarna u lahaa tobankan sano si aanan waligay u firfircoonayn, waxaanan qaatay hab dheellitiran caawinta dhammaan xaafadaha degmada. Waa Guddida Tafatireed, ma aha aniga, taasi waa ka war la'aan arrimaha soo waajahaya Degmada 60B.

Quwaynta bulshada Soomaalida iyo horumarinta adeegyadu waxay ii ahaayeen qaar ahmiyad sare leh. Markii Minneapolis ay kujirtay samayntii degmadooyinka cusub ee u dambaysay, waxaan ahaa sarkaalkii la doortay ee u horreeyey ee ku baaqa Golaha Magaalada ee xaafadda kaasi oo shiishka lagu saaray bulshadeena Soomaalida. Iyo markii madaxda libaraalka siyaasadeed ee Minneapolis ay dooneen ku ilaaliyaan xaaladda hadda Hoolka Magaalada, waxaan ka caawiyey Abdi Warsame in la doorto.

Cedar-Riverside waxay leedahay dhallinyar aad u badan kuwaasi oo adeeggii ay u baahnaayeen aan la siin. Waana taas sababta aan u qoray biilasha lagu ballaadhinayo xarunta madadaalada Brian Coyle Center. Sidoo kale waxaan si guul leh ugu dagaalamay helitaanka xarun fursadaha shaqada gobolka oo laga sameeyo lagana maalgaliyey Cedar-Riverside; waxay kujirtaa biilka cashuurta hadda.

Markii sharci-dejiyayaasha kale ee Minneapolis, iyo dadka igu mucaaradka ah, ay ka aamuseen ama xiitaa taageereen sharci xun kaasi oo meesha ka saari lahaa bixiyayaasha daryeelka maalinta ee Soomaalida iyo tarjumaanada, waxaanan dagaal la galay codbixiyayaashayda oo aan baabiiyey biilashan. waayo-aragnimadayda darteed, waxaan ahaa mid waxtar leh — waxaanan waxtar badan u sii yeelan doonaa Cedar-Riverside marka la i barbardhigo waxtarka uu u yeelan doono sharci-dejiye cusub. Laakiin caawinta Cedar-Riverside may ahayn wax kaliya ee aan ahmiyadda siinayo Degmada 60B. Waa dhibaato sida Guddida Tafatireed u laashay Prospect Park, East River Road, Seward, Marcy Holmes, Como, Dinkytown, xerada jaamicadda, iyo Nicollet Island/East Bank. Isla sidii aan ugu dagaalamay Cedar-Riverside, ayaan ugu ahaa u-doode firfircoon mid kasta oo kamid ah xaafadahan.

Waxaan ahaa sarkaalka la doortay ee ugu codka dheer taageerista ururka Defend Glendale ee Prospect Park markii uu la dagaalamayey dhisayaashii damaca badnaa kuwaasi oo qaadan lahaa guryaha raqiiska ah. Waxaan u dagaalamayaa qawaaniin badbaadada oo wanaagsan tareenka si aan u caawiyo dagganayaasha Como oo aan u raray goobta khashinka halista ah ee jaamicadda meel xaafadda dibadda ka ah. Waxaan hormood ka ahaa ka go'aanshaha haadadka baaskiiladuhu maraan ee Seward oon u dagaalamay gidaarro/teedad fiican si looga ilaaliyo xaafadaha oo dhan guuxa gaadiidka jidka wayn .

Mid kamid ah muuqaalada ugu soo jiidashada badan Degmada 60B waa hantida (dhul ama guryo) ku teedsan webiga Mississippi. Anigu shakhsi ahaan waxaan xaalisiyey kabadan $40 milyan si loogu malagaliyo badbaadada iyo dib-u-dhiska hantida ku teedsan webiga badhtanka. Waxaan ka shaqeeyey inaan badbaadiyo oon soo nooleeyo Stone Arch Bridge, soo noolaynta hantida webiga ku teedsanna waxay bilcisay suuqa hoose oo dhan. In kastoo dad badan oo kale oo siyaasadda ku cusub ay dadwaynaha ka dhaadhiciyeen inay jirto wax ay ka qabanayaan taas, runtu waxay tahay in soo noolaynta hantida ku teedsan webigu ay bilaabantay sannaddo kahor markii aan halkaa joogay anigoo qiraya inay tahay gobolku inuu ka soo ceshado webiga wasakheeyayaasha una sugnaado dadwaynaha.

Degmada 60B sidoo kale waxa kamid ah xerada Jaamicadda Minnesota. Sharci-dejiyaha ka socda Degmada 60B waxa ka saaran masuuliyad gaar ah hay'adda, shaqaalaha iyo ardaydeeda. Waxaan rumaysnahay inaan uga soo axay masuuliyaddaas si fiican. Waxaanu meel ku joojinay lacagta waxbarashada, kordhinay maalgalinta kana dhignay jaamicadda mid daahfurnaan badan. Sidoo kale waxaan la leeyahay xidhiidh xooggan inta aan shaqada wado guddida laba jaamicadood.

Ololahayga dib-u-doorashadu wuxuu kusalaysan yahay taageerista mushaharka ugu yar oo $15 saacaddii ah, taageero dhaqaale oo badan iyo meel ku joojinta lacagta waxbarashada jaamicadda iyo dhammaan kuuliyadaha, qawaaniin bey'eed oo xooggan oo loo sameeyo wasakheeyayaasha, ilaalinta shinnida iyo falxiyayaasha kale, fasax qoys oo mushahar leh iyo wakhtiga xanuunka oo lacag leh, caawinta qoysaska shaqeeya, iyo nidaam cashuureed u baahan dadka qaniga ah inay bixiyaan wixii xaq loogu leeyahay. Waxaynu u baahanahay inaynu ku ballaadhino waxaynu qabanay sannadkan si aynu wax uga qabano kala duwanaanta qoomiyadeed iyo iftiiminta cadaaladda dambiilenimo iyo arrimaha bilayska.

Matalaadda degmo degmo dadka u kala duwan yihiin sida 60B waxa u baahan tahay fikir, khibrad, tamar iyo dadaal badan. Diirad saarista kaliya hal xaafad, si kasta oo ay muhiim u tahay, Guddida Tafatireed ee Star Tribune waxay soojeediyeen in inta kale ee Degmada 60b ayna macne lahayn. Waxay masuuliyad iga saaran tahay xaafad kasta iyo deggane kasta, waana sidaas sida biyo-kama-dhibcaanka ah ee aan u qabtay shaqada codbixiyayaashayda igu aaminaan inaan u qabto. waana sidaas sida biyo-kama-dhibcaanka ah ee aan ku wadi doono inaan u shaqeeyo haddii dadka fiican ee degmadan ay ii gartaan inaan metalo mar kale.

Phyllis Kahn, DFL-Minneapolis, waa xubin ka tirsan Aqalka Minnesota.